Xisibiga MDG waxuu u taaganyahay dhisidda bulshooyin ammaan ah oo qof walba dareemo midnimo, ixtiraam, iyo caafimaad wanaagsan. Ujeedadeennu waa inaan yareyno farqiga dhaqaale, cirib-tirno saboolnimada, iyo inaan abuurno mustaqbal leh shaqooyin ammaan ah oo lagu ilaalinayo deegaanka iyo dadka. Xisbiga cagaaran ee loo soo gaabiyo MDG waxuu xooga saareysaa: qodobadda soo socdo.
Siyaasada Xisbiga Cagaaran MDG ee Cimilada iyo Deegaanka
In la fududeeyo nolol maalmeed waafaqsan ilaalinta deegaanka, lana joojiyo wasakhowga iyo isbeddelka cimilada.
In la xaqiijiyo in aysan dhicin waxyeello kale oo loo geysto deegaanka (marka loo eego xaaladdiisa iyo baaxaddiisa) ka hor 2025 lana gaaro horumar togan oo ku saabsan deegaanka (koror ama horumar muuqdo) marka la gaaro 2030.
In la hagaajiyo gaadiidka dadweynaha oo la raqiisiyo si qof walba u safri karo, iyada oo si joogto ah loo ilaalinayo deegaanka.
In la kordhiyo helitaanka cunto caafimaad leh oo deegaanka u wanaagsan sida miraha iyo khudaarta.
Siyaasada xisbiga MDG ee laxariirta Shaqooyinka
In la fududeeyo xeerarka shaqo-doonka soo-galootiga ah.
In la xoojiyo helitaanka xuquuqaha bulshada.
In taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo la siiyo ururrada iskaa wax u qabso iyo kuwa bulshada anfacaya, sida kuwa la dagaallama caddaalad-darrada bulshada, isboortiga, iyo dhaqanka.
In macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan xuquuqaha iyo waajibaadka shaqo lagu bixiyo luqadaha hooyo ee dadka soo-galootiga ah.
Siyaasada MDG ee Barashada Luqadda Norwayjiga.
In dhammaan shaqaalaha soo-galootiga ah lagu siiyo koorsooyin luqadda Norwejiga ah oo lacag la’aan ah.
In la xaqiijiyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee ku saabsan ilaalinta luqadooda iyo dhaqankooda.
In miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyo barashada labaluuqadeedka, luqadda hooyo, iyo barashada gaarka ah ee luqadda Norwejiga ee dugsiyada.
Siyaaasada Xisbiga MGD ee Carruurta iyo Waxbarashada
In la xoojiyo aqoonta ku saabsan dhaqamada kala duwan ee lagu soo kordhinayo xannaanada iyo dugsiyada.
In la hagaajiyo adeegyada meelaha lagu kulmo iyo barashada luuqadda ee loogu talagalay dadka aan u dirin carruurtooda xannaanada, sida xannaanada furan.
In la sii wado bixinta lacagta kontantstøtten ee loogu talagalay waalidiinta leh carruurta da’doodu u dhaxayso 1 ilaa 2 sano.
In shuruudo aqooneed loo dejiyo shaqaalaha iyo maamulayaasha ka shaqeeya adeegyada ilaalinta carruurta iyo xarumaha ku shaqeeya daryeelka carruurta.
Siyaasada Xisbiga MGD ee Ka-hortagga Takoorka
In la xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo takoorka ka jira shaqada, suuqa guryaha, dugsiyada, adeegyada caafimaadka, iyo hay’adaha dowliga ah.
In la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda dadka, diinta, dhaqanka, iyo dadka aragtida ka duwan leh si looga hortago takoorka.
Siyaasada Xisbiga MGD ee Sharciga iyo Nidaamka Garsoorka Dalka
In la fududeeyo helitaanka xuquuqda codbixinta ee soo-galootiga iyadoo la dhimayo shuruudaha luqadda Norwejiga (heerka A2) ee lagu xiray helitaanka jinsiyadda iyo daganaashiyaha, lana baabi’iyo shuruudda imtixaanka aqoonta bulshada.
In la difaaco xorriyadda hadalka iyo xuquuqda qof walba ee ku saabsan inay si xor ah uga dhiibtaan aragtidooda siyaasadeed, diimeed, iyo nidaamyada kale.
Siyaasada Xisbiga MGD ee Dhaqaalaha
In ugu yaraan boqolkiiba hal (1%) ee dakhliga qaranka loo qoondeeyo gargaarka bani’aadminimada iyo horumarinta.
In la abuuro saamiga cimilada iyo deegaanka ee gargaarka, taas oo u dhiganta boqolkiiba hal (1%) ee dakhliga qaranka (BNI) oo sannad walba laga wareejiyo Sanduuqa Batroolka loona isticmaalo qorsheyaasha ku saabsan cimilada, u adkeysiga cimilada, iyo ilaalinta deegaanka ee dalalka soo koraya.
Siyaasada Xisbiga MDG ee Haweenka iyo Caafimaadka
In la taageero lana xoojiyo adeegyada la siiyo dhibbanayaasha rabshadaha qoyska iyo kuwa kale ee daryeelka u baahan.
In la horumariyo waxbarashada gabdhaha iyo in la xoojiyo xuquuqda haweenka ee shaqada, caafimaadka taranka, iyo ka hortagga rabshadaha qoyska.
In taageero dhaqaale iyo mid farsamo la siiyo ururrada u shaqeeya bixinta adeegyo caafimaad oo sharci ah oo loogu talagalay haweenka doonaya inay iska soo xaaqaan uurka iyada oo laga ilaalinayo khataraha caafimaad.
Qof walba qayb ayuu ku leeyahay isbeddelka. Wadajir ayaan ku horumarin karnaa siyaasadda Norway.
Barnaamijka buuxa waxaad ka heli kartaa halkan.